qaryaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dadka u faaliya ama xiddigaha wax uga sheega ama si kale oo been ah wax uga cuna (qof); kaahin. 2. Waxyaqaan; abwaan.

kaahin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Qof waxa soo socda ka warrama.
  2. eeg kaahi.

waxyaqaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. waxgarad.

Lamidka: waxgarad

abwaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.