quluud

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Ulajeedo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti; xallad; milgo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

murti

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iwm laga dhex helo; xigmad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xallad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

milgo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Ulajeeddo wanaagsan, xurmo, muuno. 2. Shabaag ilo yaryar leh oo kalluunka lagu jillaabto. 3. Kal; miile.