raadiyoom
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-mmo, m.dh)
Macnaha:
- (kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

