Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine
Macnaha:
eeg rogan¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1
Isrogrogga: (-gmay, -gantay)
Macnaha:
1. Wax dhankii hooseen lahaa sareeyo noqosho. 2. Sidiisii hore wax ka duwan noqosho. 3. Fure hal mar sakatuuro ku wareegid. 4. Reer ama dad tirtirmid. 5. Ka r.: meel biyo ka dulundulcoobid.
1. Wax dhiniiciisa hoose la sarraysiiyay ahaansho. 2. Wax gaadiid laga dejiyay ahaansho (rar). 3. Wax isteensal lagu badiyay ahaansho (qoraal). 4. Ku r.: wax, wax kale ku gambisan ahaansho. 5. Ka r.: wax meel agteeda ku sugan ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur