sal-tiro
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-lal tiro, m.l)
Macnaha:
- (xis.) Baaxadda kooxda tirinta loo adeegsado. Habdhiska tobanle salku waa toban. Astirooyinka la adeegsado waa “0”, 1, 2, 3, 4, ,5 ,6, 7, iyo 9 oo loo kooxeeyo toban koowaad, toban tobnaad iwm. Habdhiska labaale salku waa labo. Astirooyinka la adeegsado waa “0” iyo 1.

