samaacad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Qalab tamarta danab u beddesha tamar jabaq. Waa qaybta ugu dambeysa ee inoo fududeysa maqalka wararka idaacadaha, telefoonnada iwm. Samaacaddu waxaay qabataa shaqo lid ku ah ta maykarafoonku qabto, waxana ay awood u leedahay in baahinta codka kordhiso, gaarsiisana meelo fog. eeg maykarafoon.

maykarafoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Qalab tamarta jabaqda u beddesho tamar danab. Waa qaybta ugu horreysa ee telefoonnada iyo war baahiyayaasha.