sandulle

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.

qasab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Geed leh quwaax sonkorta laga sameeyo, laanlaan ubaxa, alamo leh oo dhulka kulul ka baxa.

xoog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
  2. (fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
  3. 1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho.