sanduuqa codka

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo ..., m.dh)

Macnaha:

  1. (baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur