shaahi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld shaah¹.
  2. Cid shaah siin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shaah

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. ld shaahi.
  2. Shaah cabbid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur