shacaab-dhaliye
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)
Macnaha:
- (c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.

