sumbay

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Nooc gooryaanka ka mid ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya. 2. Wan tuman. 3. Nacas; doqon.

nacas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-so, ml, -syo/nacas, m.dh)

Macnaha:

  1. Qof caqli yar; doqon; dabbaal.

doqon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Nin aan caqli iyo garaad badan lahayn; dabbaal.
  2. Haweeney aan caqli iyo garaad badan lahayn.