surmo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qaab awrta qooqani u dagallamaan oo ah luqun isku marid iyo qaniinyo; daro. 2. (-ooyin, ml.) Dhiil yar oo caanaha lagu shubto. 3. ld surin.

daro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
  2. 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho.

surin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Marin ciriiriyon ama yer. ld surmo (3), surun.