suxuun

Qaabnax: Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural

Macnaha:

  1. eeg saxan¹.

saxan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno/suxuun, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Weel dhoob ama macdan iwm ka samaysan oo yara godan cuntadana lagu cuno. 2. Shay yar, fidsan, wareegsan oo heeso iwm ku duubanyihiin. ld sixni.
  2. (jool.) Bedka guud ee biyo shubka u ah webi iyo laagihiis.
  3. Wax la saxay ahaansho.