taran-leeb

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (xis.) Taranka laba leeb oo ku siiya leeb saddexaad. Taranka labada leeb A iyo B waxa loo qoraa AxB, waa leeb laxaaddiisu yahay A B sin theta, taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na tahay xagasha u dhexeysa A iyo B. Jihada taranka leebka waxa uu ku yahay xaglo qumman leebabka A iyo B.