telefishen

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Raadiyaha la iska arko. ld telefisyoon.
  2. (tegno.) Hab isgaarsineed lagu gudbiyo wararka maqalka iyo muuqaalka. Qaybta ugu muhiimsan hab isgaarsiinta waa kamarada telifishanka oo wararka aragga u beddesha sinyaale danabeed, raacaya mareegta si loogu habeeyo hirarka baaha. Herarkaasi marka ay soo qaadhaan qaybta telefishinka, waxa uu telefishinku u beddelaa hummaag ka muuqda iskiriinka. ld telefisyoon.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

telefisyoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. ld telefishen¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur