tiirid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg tiir².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tiir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. (-rar,m.l) Qori sida usha u toosan oo xoog badan oo badanaa dheer oo inta dhulka lagu mudo wax celiya ama xoog tara; udub. 2. Dhis kasta oo qaabka iyo waxtarka tiirka leh. 3. T.ka kalabbarka mara oo caaradda iyo salka isu haya (caleen, waran iwm). 4. Kan u dhexeeya sanka labadiisa dul.
  2. Neef ku soo biiray xayn xoola ah la collobid, hinaaso awgeed.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur