tiriig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.

koronto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Qeyb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yaqaan danab, loona isticmaalo quwad dhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iwm. 2. Danabka lafteeda.