ugu hooseeye
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.
- (xis.) Bar ku taalla garaaf fansaar taas oo leh qiimaha ugu hooseeya ee ku dhex jira gaalis. Haddii fansaarku yahay xood si joogta ah isu haysta, u hooseeyaha fansaarku waa bar noqod; taas oo ah tiirada taabtaha marka loo eego xoodka ay si joogto ah isaga beddesho min togane ilaa tabane iyada oo maraysa eber.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

