wanqarid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg wanqar².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

wanqar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhaawac halis ah.
  2. 1. (xis.) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xis.) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.
  3. Ugaar, xoolo iwm iyada oo uur-kujirta laga saarayo calool ka dillaacin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur