xinjir-roor
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-ro ..., m.l)
Macnaha:
- (daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuu-san xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibib-ka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

