xundhur-bakteeriyeed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (daaw.) Cudur ku dhaca xiidmaha oo uu keeno bakteeriyaha loo yaqaan shigella, waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiif ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba. Astaamihiisa waxaa ka mid ah shuban, lallabo, casiraad, qandho oo ilaa todobaad socdaan.