xunguruf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaa-wadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dafo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. ld dafto, dhifato, dhufato.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur