xuub-malaas
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-bab ..., m.l)
Macnaha:
- (c.nafl.) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhis-mihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.

