yuurur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Fadhi; yoxoob; kuudud. 2. ld yuururid.
  2. Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fadhi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.
  2. 1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yoxoob

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo. 2. Lo'da iwm kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa. 3. Fadhi yuurur ah. 4. ld yoxoobid.
  2. Si kadaloob ah u fariisasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kuudud

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. ld kuududid.
  2. Si foolxun u fadhiyid. ld kawdiid².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yoxoobid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg yoxoob². ld yaxoobid, yoxoob¹ (4), yoxoobsasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kuududid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg kuudud². ld kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yuururid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg yuurur². ld yuurur¹ (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur