addoon
(m.l) (-oommo, m.dh)Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.
addoon
(m.dh) (-oomo, m.dh)Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh addoon ↴
yaasiinmaddoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
eeg Marsoobax. marsoobax
faa'idaddoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld faa'iidaddoon. faa'iidaddoon
faa'iidaddoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: qof u halgamaya inuu faa'iid0 helo. ld faa'idaddoon, faa'iidoddoon. faa'idaddoon, faa'iidoddoon
nabaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
aarsashaddoon [m.l]
ld aardoon.
adamaddoon [m.l]
Qof ugaarsada dugaagga iyo ugaarta intooda halista ah. ld adame.
addoonnimo [m.dh]
Addoon ahaansho.
addoonsad [m.l]
ld addoonsasho.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg