adduun
(m.l)1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. ld adduunyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adduun ↴
aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
maaddiyad [m.dh]
(fals.) Fikrad falsafadeed oo
aammisan in adduunka aan jirin wax aan
maaddo ahayn.
daadduun [m.l]
Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. ld daanduun¹. daanduun
daadduun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
Cayrnimo darteed la bayhoofid. ld daanduun². daanduun
daadduunshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
Budh weyn oo lagu dagaalamo. ld daanduunshe. daanduunshe
daadduunsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld daadduumi. daadduumi
daadduunsiin [m.dh]
ld daadduumin. daadduumin
nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.
tabaalo [m.dh]
1. Dhib waxtabasho. 2. Waaya-ha adduunka; sah.
Ururkii Qaramada [m.l]
Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.