Site icon Qaamuus

ereyga

aftahan
(m.l) (-nno/-ammo, m.dh)

1. Qof fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aftahan

afjuxuunso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Xag aqooneed, aftahannimo iwm cid dood kaga badin.

aftahannimo [m.dh]
Aftahan ahaansho.

afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.

doodaa [m.l] (-aayaal, m.l/dh)
Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode. ld doode.

gola-kakac [m.l]
Qof aftahannimo dheeraad ah leh.

gola-kataag [m.l]
Qof leh dabci wanaagsan oo uu dadka kale kaga duwanyahay, sida geesinnimo, sakhinnimo, aftahannimo iwm.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version