Site icon Qaamuus

ereyga

afti
(m.dh) (-iyo, m.l)

Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh afti

aftin [m.dh] (-nno, m.dh)
Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.

aftir [m.l] (-rro, m.dh)
Cad maro ah ama warqad afka lagu tirto.

aftir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax af la' ka dhigid (qalab wax gooya). 2. (f.mg) Qof af u tirid.

aftirasho [m.f.dh]
eeg aftiro.

aftirid [m.f.dh]
eeg aftir².

aftiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Qof, wax sida dufan, caano iwm oo afkiisa ku yaal iska bi'in.

aftixid [m.f.dh]
eeg aftax².

haftibbax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Xiiqid la'aanta nafleydu gaarto markay muddo oroddo kaddib. ld haftabbax¹.

haftibbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Nafley heer aanay xiiqayn gaarid, markay muddo orodday kaddib. ld haftabbax².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version