Site icon Qaamuus

ereyga

akhriye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)

Nin raadiyaha, telefiishinka iwm war ka sii daaya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh akhriye

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

arbucuunan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-anaa, -anayd)
Wax arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo lumay).

maddiiddeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax maddiiddo lagu akhriyey ahaansho (haweeney).

muraajaco [m.dh]
Ku noqoshada duruus hore loo akhriyey, qoray, fasiray mar kale lagu noqdo.

qabsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Hawl iwm wax la qabtay ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ku dhegsan ahaansho. 3. Tuug, dugaag iwm wax casiimo lagu akhriyey oo aan wax bi'in karin ahaansho.

tahliil [m.dh]
Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. ld taxliil².

xirsixiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax xirsixir loo akhriyey ahaansho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version