amaahi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Qof amaah siin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh amaahi ↴
amaahin [m.f.dh]
eeg amaahi. ld amaahis.
amaahis [m.l]
ld amaahin.
amaahiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Cid amaah bixisa.
banki [m.l] (-iyo/bunuug, m.dh)
Maamul xafiisyo leh oo lacagta lagu keydiyo ama layska amaahiyo, fuliyana adeegyo maaliyadeed sida sarrifka lacagaha qalaad, xawaaladaha gudaha iyo dibadda iyo furidda ictimadyada. ld bangi.
deymi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof lacag iwm amaahin. ld deyni.
jamaahiir [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
Wadar dad ah.
ribo [m.dh]
Hanti dulsaar ah oo laga qaato hanti la is amaahiyay.
rubisaar [m.l]
Faa'iidada la dul saarto lacag la is amaahiyey; dulsaar; korsaar; dheef. ld ribisaar¹.
rubisaar [Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1] (-ray, -rtay)
Lacag dulsaar leh cid amaahin. ld ribisaar².