aniga
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)Magacuyaal tilmaamaya qofka kowaad ee kelida ah oo ebyoon ah (hadlaha ama qoraha). ld ani.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aniga ↴
ani [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
ld aniga.
fal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.
jir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.