Site icon Qaamuus

ereyga

anoo
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)

Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'oo'.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh anoo

oommanoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oommanow.

waddo-caanood [m.dh]
Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.

anoofeles [m.l] (-syo, m.dh)
(baay.) Kaneecada dheddig oo qaadda noolaha duumada keena, dadkuna qaniinyadeeda ayaa duumada u keena.

baaranooya [m.dh]
(daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.

banoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.

banood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg banoo.

biyuutanool [m.l] (-llo, m.dh)
(kiim.) Biyuutayl alkohool: C H OH. Hoor yeelan kara afar qaab oo isku-naanaysood. Biyuunta-1-ool,CH CH CH CH -OH, bar-karkeedu waa 117.5°C, waxana loo isticmaalaa mile ahaan.

buracaanood [m.dh] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

burocaanood [m.dh]
(daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version