Site icon Qaamuus

ereyga

arday
(m.l)

(arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh arday

saaqid [m.l] (-dyo/-diin, m.dh)
1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey.

aftax [m.l]
Fasax aan caadi ahayn oo ardayda dugsiga quraanka la siiyo.

ardayad [m.dh]
1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.

booti [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Arday hal fasal ama ka badan gudbin. 2. Ka b.: wax wax kale dul marin iyadoo dhankeeda kale lagu ridaayo. ld boodsii.

cashar [m.l] (-rro, m.dh)
1. In aqoon ah oo macallin u gudbiya arday hal xiso, dersi. 2. Tahliil.

damiin [m.l] (-nno, m.dh)
Qof siiba arday oo fahmadiisu yartahay. ld dammiin.

faranfardayn [m.f.dh]
eeg faranfardee.

fariisin [m.l]
1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².

horujeed [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-dyo, m.dh)
1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version