Site icon Qaamuus

ereyga

argeeg
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

Geed nagaar aan qodax lahayn, oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dhaadheer oo weelbiyoodka laga tolo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh argeeg

ubbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc. Quluc

tabatabbo [m.dh]
Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iwm lagu shubto.

cabayo [m.dh]
1. C. ah: haan qab ama argeeg ka samaysan oo loo diyariyay in caanaha lagu shubto. 2. Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la kahdo; cabo.

gucun [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-mmo, m.dh)
1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iwm oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.

qarrog [m.l] (-gyo, m.dh)
Haruub weyn oo ka samaysan qabo ama argeeg oo caanaha lagu shubo; bantol. ld qarroog.

tolay [m.l]
Weel qabo (geed), caw, argeeg iwm ka samaysan. ld tolayo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version