Site icon Qaamuus

ereyga

aritmatig
(m.l)

(xis.) Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kala goyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aritmatig

saafid-tireed [m.dh]
1. (xis.) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xis.) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.

dareerin-aritmatig [m.dh] (xis.)
D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig.

susun aritmatig [m.l] (-sumo ..., m.l)
(xis.) Sunsun faraqa u dhexeya tibix kasta iyo tan ka horreysa uu yahay madoorsoome. Faraqa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa faraqa ay wadagaan. Jidka lagu helo tibixda n-aad ee sunsun aritmatig waa: an = a1 + (n-l)d, taas oo a1 ay tahay tibixda kowaad ee sunsunta, d-na tahay faraqa.

tirosin aritmatig [m.dh]
(xis.) Tirosinka aritmatig ee urur ka kooban n-tiro waa wadarta n-da tiro oo loo qaybiyey tirada tirooyinka. Tusaale ahaan, tirosinka aritmatig ee ururka {1, 4, 3, 0, 1, 2,ì 1, 4} waa (1+4+3+0+1+2+1+4): 8 = 16 : 8 = 2.

xeerka kala-dhigga [m.l]
(xis.) Xiriir gaar ahaaneed ee ka dhexeeya laba xisaabfal. Tusaale ahaan, kutirsaneyaasha ururka {a, b, c, d, ...}. Waxa jiri kara laba xisaabfal sida * iyo 0 oo xisaabfalka * uu ku kala dhigmo 0, marka a * (b o c) = (a * B) o (a * c). b) 2 X (3+6)= (2x3) + (2x6) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee aritmatiga (ama aljebra). t) A (B U C) = (A B) U (A C) waa tusaale ka mid ah xeerka kala dhigga ee ururrada.

xisaabfal asaasiga ah ee aritmatig [m.dh] (-llo ..., m.dh)
eeg aritmatig.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version