Site icon Qaamuus

ereyga

aroori
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aroori

xaliib [m.l]
Cudur ku dhaca labada arooriye ee dhiigga qaada oo carrabka hoostiisa ah.

aroor [m.l]
1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah.

aroorid [m.f.dh]
eeg aroor². ld aroor¹ (1).

aroorin [m.f.dh]
eeg aroori. ld arooris.

arooris [m.l]
ld aroorin.

baroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Ka b.: qof baroor ka keenid. 2. Meseggo aan geedkii ku bislaan goyn. ld baroorsii.

baroorin [m.f.dh]
eeg baroori. ld baroorsiin.

ceelgee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Xoolo aroorin.

daroori [m.l]
Hadal tira badan oo aan micna lahayn. ld darooryaan¹.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version