atom
(m.l) (-myo, m.dh)ld atam.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh atom ↴
ogsajiin [m.dh]
(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.
anatomi [m.l] (-iyo, m.dh)
(baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
atam [m.l] (-myo, m.dh)
(fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.
gibil [m.l]
(jool.) Atomosfeer: hawada ku gedfan dhulka oo badanaa isugu jirta neefo ay ka mid yihiin ogsajiin (21%), Naytrojiin (78%), kaarboon dhayogsayd (0.03%), Argon (0.94%), Helium iyo neefo kale oo ku yar gibilka (0.01%) marka ay hawadu qallalantahay, iyo uumi-biyood xaddegiisu doorsoom.
haydka aayoonaynta [m.l]
(fiis.) Tamarta loo baahan yahay si atomka gaaska (uumiga) looga saaro elegtroon.
qarradh [m.l] (-dho, m.l)
(juqr.) Kala jab ku dhaca oogada dhulka kaas oo uu la socdo dhaqaaq, islamarkaas lakabyada dhadhaabada qarradhka labadiisa dhinac ah iskuma sargo'na. Inkasta oo uu dhaqaaqu badanaa yahay mid atoma, haddana waxaa dhici karta qarradhku inuu jiho kasta aato oo ay ku jirto tan jiifku.
sayaxe [m.l] (-xayaal, m.l/dh)
(fiis.) Walax ka nuugi karta biyaha atomosfiyeerka.