awaare
(m.l)Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iwm. si sahlan u kicin karaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh awaare ↴
awaarayn [m.f.dh]
eeg awaare.
awaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax soconaya habaas kicin.
dulxawaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax dulmarid; wax korduulid.
dulxawaareyn [m.f.dh]
eeg dulxawaaree.
xawaare [m.l]
Orod si gaar ah loo ordo.
xawaare ileys [m.l] (-syo, m.dh)
(fiis.)Summad C. Xawaaraha ay ku baahaan hirarka birlabdanabeedka maraaya dulalaati madhan, kaas oo ah madoorsoome fisikeed, le'egna 2.997.925 x 10(8) m/s, waxana loo yaqaanaa madoorsoomaha birlabdanabeed.
xawaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Ku x.: ayadoo la ordayo meel xoog ugu wareegid.
xawaare-hoor beeg [m.l] (-ayaal ..., m.l/dh)
eeg anemoomitir.