Site icon Qaamuus

ereyga

awd
(m.l)

ld awdid.

awd
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Meel bannaan ama daloosha buuxin; daboolid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh awd

aaway [e.we]
Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay “xaggee laga helaa?” “mee?”. ld aawaye, away, awday.

albaab [m.l] (-bbo/-byo, m.dh)
Bir, loox iwm oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo.

awdan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-dmay, -dantay; -dmi)
Wax buuxsamay ama daboolmay noqosho (meel bannaan ama daloosha).

awdan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax buuxsamay ama daboolmay ahaansho.

awday [e.we]
ld aaway.

awdid [m.f.dh]
eeg awd². ld awd¹.

awdmid halbowle wadne [m.l]
(daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.

awdmid [m.f.dh]
ld awdan¹.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version