Site icon Qaamuus

ereyga

balqan
(m.l)

Xab jiidma oo laabta ka soo go'a oo afka ka yimaada marka la cadayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balqan

xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.

balqami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley, balqan ka keenid.

balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version