balwad
(m.dh) (-do, m.l)1. Caado xun, waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi karin. 2. Balwo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh balwad ↴
balwo [m.dh]
1. Heeso hore oo lagu tumi jirey kaban, daf iyo foori. ld balwad (2), belwo.
daran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³.
gadaalkagaar [m.l]
Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.
macagtow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -oowday; -oobi)
Nafley, balwad iwm barashadoodu ka hariwaayid.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg