Site icon Qaamuus

ereyga

baq
(m.l)

1. Caano xumaaday oo aan la dhammi karin. 2. ld biqid.

baq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday; -biqi)

1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
dhabaq*

halaysan, la wasakheeyay.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baq

caabaq [m.l]
ld caabuq¹. caabuq

caabaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
ld caabuq³. caabuq

caabaqid [m.dh]
ld caabuqid. caabuqid

yaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ku yaab/ka yaab: dhacdo qof sameeyey la fajicid. 2. U yaab: wax dhibaato uga baqid (cid). 3. Ka yaab: dhibaato ka baqid (cid). 4. Isla yaab: cid fal ay samaysay ka qoomamayn.

taabbaqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho. qaangaarid

taabbaqaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabbaqaad. taabbaqaad

yabaq [m.l]
Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. jabaq, yabaaq

yabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Dad ama nafley meel fog ka buuqid. ld jabaq². jabaq

jabaq [m.l]
Shanqar yar. ld yabaq¹.

jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version