barbarro
(m.dh)Barbarkadhac; barbardhac; kalagurad; garbadhac.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barbarro ↴
oordinayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(xis.) Kulanka-y oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-y ee ku yaalla habdhiska kulannada kaartis (Barbardhig Absiisa).
xaglo-talantaali [m.l] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Lammaane xaglo isle'eg oo ay sammeeyaan laba xarriiqood oo barbarro ah iyo xarriq kale oo goysa labadooda oo lagu magacaabo gudbane.
absiisa [m.l]
(xis.) Kulanka-x oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-x ee habdhiska kulanka kaartis.
birisam [m.l] (-myo, m.dh)
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.
dhululub [m.dh] (-byo, m.dh)
(xis.) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
dooxada rift [m.dh]
(juqr.) Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).
fogaan [m.dh]
(xis.) Summad d. Dhererka xarriijin u dhexeysa laba barood, xarriiqood sallax iwm. Tusaale ahaan, f.ta u dhexeysa laba xarriiqood oo barbarro ah waa dhererka xarriijin qotanta ee isku xirta labadooda; halbegga caalamiga ah ee f.ta waa mitir (m.).
foolt-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga keyd faraqa ee u dhexeeya laba barood. F. waxaa mareegta loogu xidhaa barbarro.
geri [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Naasley ugaarta ka mid ah, laxaad weyn, Afrika laga helo, raamsata, luqunta iyo addimada u dheer, oo leh harag adag oo barbarro leh. 2. Ul yar oo u dhexeysa laanta digirta iyo balagg.