Site icon Qaamuus

ereyga

barii
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iiyay, -iisay)

Habeen meel ku nabad gelin (nafley). ld bariisii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barii

waabariisasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabariiso. ld waabberiiso. waabberiiso, waabariiso

waabariisii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
U w.: inta waagu ka dillaacayo cid ama wax u kaadin. ld waabberiisii. waabberiisii

waabariisiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waabariisii. ld waabberiisiin. waabberiisiin, waabariisii

waabariiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax meel waagu ugu baryid. ld waabberiiso. waabberiiso

daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.

nabdaaddi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Cid salaamid; bariidin.

nabdaado [m.dh]
Salaan; bariido.

qaabuuli [m.l]
1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.

raari [m.l]
1. Nooc bariiska ka mid ah oo ka baxa waddanka Barma. 2. Meel dhir dhaadheer oo badan leh.

saarsaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax, wax kale dushooda yaalyaal ahaansho. Xeerada bariiska ah hilib baa saarsaaran.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version