Site icon Qaamuus

ereyga

barkin
(m.l) (-nno, m.dh)

Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. ld barshin.

barkin
(m.dh) (-imo, m.dh)

Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la barkado. ld barkimo.

barkin
(m.f.dh)

eeg barki.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh barkin

barkadhac [m.l]
Muruq dadka luqunta ka gala marka barkinta si xun u barkadaan. ld barkindhac¹.

barkadhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Barkin si xun ugu seexasho. ld barkindhac².

barkadhicid [m.f.dh]
eeg barkadhac². ld barkindhicid.

barki [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.

barkimo [m.dh]
ld barkin².

barkindhac [m.l]
ld barkadhac¹.

barkindhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
ld barkadhac².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version