batrool
(m.l)1. Baansiin. 2. Saliid qaali ah, laga qodo dhulka, loo adeegsado shidaalka matoorrada oo marka la sifeeyo laga helo nafto, baansiin, gaas iwm.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh batrool ↴
baansiin [m.l]
Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. ld baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
injiin [m.l] (-nno, m.dh)
(fiis.) Makiinadda tamarta kulka u geddisa hawl makaani-kaad, sida injiinka uumiga ama injiinka batroolka.
macdan [m.dh]
(macaadin, m.dh) 1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg