Site icon Qaamuus

ereyga

baxnaan
(m.dh)

Dabeecad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baxnaan

baxnaani [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax sida ay ku dambeynayaan ka dhursugid. 2. Ilaalin (qof bukan, xoolo, xaalad iwm).

baxnaanin [m.f.dh]
eeg baxnaani. ld baxnaanis, baxnaano.

baxnaanis [m.l]
ld baxnaanin.

baxnaano [m.dh]
Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. ld baxnaanin.

masaabaxnaan [m.dh]
ld masaamaxnaan.

masaabaxnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld masaamaxnaan.

mindirraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.

sharrib [m.l]
Jarrib; tijaabo; holis; baxnaanis. ld shirrab¹.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version