Site icon Qaamuus

ereyga

baxsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baxsan

laaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax aan kala baxsanayn ahaansho. 2. Wax aan weli la samayn ahaansho.

caafimaad-beeleed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.

taag-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.

waagii mesosooik [m.l]
(waayihii ..., m.l) (jool.) Waagii dhexe ee nolosha, ahna midka labaad saddexda qaybood ee taxanaha waqti jiyolojiyeedka wixii ka dambeeyay kambiriyan-ka-horeeyaha: muddaddaas ka mid ah taariikhda dhulka ee u dhexeysa aayada baaliyosoyigga iyo saynasoyigga, waxay kala baxsantahay muddo ah 200 milyan ilaa 70 milyan sannadood ee tagtay.

wabaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax wabxay ahaansho (xoolo).

wabaxsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg wabaxsan. ld wabaxsanaansho.

wabaxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld wabaxsanaan.

xagalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.

yooko [m.dh]
Wax soo baxsan ama kor u likaysan.

ambabbaxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax ambabbaxay ahaansho (cid).

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version