Site icon Qaamuus

ereyga

bayr
(m.l)

1. Nuxurka hadal, dood iwm ku saleysanyahay. 2. ld bayrid.

bayr
(m.dh)

Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.

bayr
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Wax toos u socda dhan u weecasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bayr

maanganiis [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.

yurasil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

asiidh-laagtika [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.

baybayle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
ld bayrabayre.

bayrabayre [m.l]
Qaruhu marka uusan biseyl gaarin dubayana ka tago; lafaweyne. ld baybayle.

bayrac [m.dh]
(c.nafl.) Ugaar deerada la bah ah oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh oo dhulka dullada ah ku nool.

bayraq [m.l]
Calan; bandiirad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version