Site icon Qaamuus

ereyga

beni
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beni

raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

banii-aadan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dadka Eebehay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. ld banii-aadmi, benii-aadan, benii-aadmi, binii-aadan.

banii-aadannimo [m.dh]
Banii-aadan ahaansho. ld benii-aadannimo, binii-aadannimo.

benii-aadan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld banii-aadan.

benii-aadannimo [m.dh]
ld banii-aadannimo.

benii-aadmi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld banii-aadan.

benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

bini [m.l]
ld beni.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version